11 qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Turkiga

25

Diyaarad Helikopter oo ay Milliteriga dalkaasi lahaayeen ayaa ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Cekmece oo u dhow Degmadda Tatvan ee Gobalka Bitlis ee K/bari ee dalkaasi.

Diyaarada  burburtay oo nooceedu ahaa The Cougar waxaa la sheegay inay 11 Askari ku geeriyoodeen, halka 2 kalena ku dhaawacmeen, sida lag sheegay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga.

ka mid ah Dhibanayaasha waxay ku geeriyoodeen isla goobta ay Diyaaradda ku burburtay, halka ay 2 kalena dhaawacooda ugu geeriyoodeen Isbitaalka.

Saraakiisha ku geeriyootay shilkaasi waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Osman Erbas oo ah Taiye Ciiddan.

Diyaaradda burburtay waxay ku sii jeeday Degmadda Tatvan oo u dhow Gobalka Bingol, markii ay Maamulayaasha waayeen xiriirkii ay Diyaaradda la lahaayeen.