140 ruux oo geeriyooday kadib markii doonta uu dabqabsaday

33

Faahfaahino dheerad ah ayaa laga helayaa dooni ay la socdeen tahribayaal ayaa ku rugmatay xeebaha dalka Senegal.

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka.

Tahribayashan ayaa waxaa ay u socdeen xeebaha wadamada yurub balse inta aysan gaarin ayaa waaxaa qabsaday dab sababay in ay qalibanto doonta .