Jubbaland & Puntland oo ka horyimid qodobada shirkii Dhuusamareeb 3

89

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Qoraalka ay soo saareen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa waxa ay ku sheegeen in 21 August 2020 ay yeesheen shir khadka telefoonka ah oo ay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cadeynayaan inaysan qayb ka ahayn, laguna matalin shirkii ka dhacay Dhuusamareeb ee lagu cadeeyey doorashada 2020/2021.

Halkan hoose ka aqriso:-