AMISOM oo qiratay inay dad shacab ah ku leysay Muqdisho

25

Taliska Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku qirtay iney dad shacab ah ku dileen magaalada Muqdisho.

Qoraalka AMISOM ee lagu sharaxayay qarax kolonyo ciidamadooda ah lagula eegtay xaafadda suuqa xoolaha, halkaas oo uu ku burburay gaari nuuca xamuulka oo ay lahaayeen ayey ku xaqiijiyeen inuu ku dhintay hal qof oo shacab ah.

“September 6th, 2020, mid ka mid ah gawaaridii ka midka ahaa kolonyo ka tirsan Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (Amisom), kuwaas oo kasoo baxay saldhigga Maslax kuna soo jeeday Muqdisho, waxaa Qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Control Balcad. Baaritaanka hordhaca ah ayaa sheegaya in gaari xamuul ah uu burburay, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ah oo ka ag-dhawaa goobta” ayaa lagu yiri Bayaanka.