Dib dhac ku timid shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada

45

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee dhaxeeya Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Dib u dhaca ay la xiriira arrimo ka dhex jira Maamul goboleedyada dhexdooda iyo arrin laga rabo Madaxtooyada Villa Somalia inay fuliso ka hor shirka inta uusan furmin.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka uu si rasmi ah u furmi doono Maalinta Sabtida ee soo socota.