Faah faahino ka soo baxaya qaraxa ka dhacay Sh/Hoose

70

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Warmaxan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas lala eegtay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku socdaalayey halkaasi.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka bada, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka

Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib howl-gallo ka sameeyey duleedka Wanlaweyn, si ay gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Inta badan maaleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah ka fuliso gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.