Taliyaha Booliska Soomaaliya oo saldhig cusub ka furay magaalada Baydhabo

28

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar iyo sarakiil ka socda taliska guud ee Booliska Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka warbixiyay saldhig cusub oo uu ka furay magaaladaasi.

Janaraal Xijaar ayaa sheegay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska federaalku ku samaynayo deegaanada dowlad goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garowga sugida amniga doorashooyinka heer federaal ee dalka ku soo fool leh iyo dejinta qorshaha horumarineed ee Booliska Soomaaliyeed sanadka soo socda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ku booriyay saraakiisha Booliska maamulka Konfur Galbed in ay ciidamada kala saraan tayada lehna ay mushaaraad wanagsan u qoraan, si ay uga qeyb qataan sugid ammaanka

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in saldhig cusub ay ka hirgeliyeen Baydhabo, madaama ay ballaaratay magaaladaasi.