Weerar Bombaano oo Caawaa lagu qaaday mas’uul Jubaland ah

53

Faahfaahin dheerad ah ayaa Caawa laga helayaa  Gobolka Jubbada Hoose ee Maamul Goboleedka Jubbaland Karin markii Bom-gacmeed lagu weeraray Guri uu daggan yahay Mas’uul ka tirsan Maamulkaasi Jubbaland.

Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Jubbaland  Cabdi Baaleey ayaa la sheegay in Caawa Koox hubeysan ay Bomgacmeed ku weerareen, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan.

Weerarkaas Bom-gacmeed,ayaa tilmaamay in ay ku dhaawacmeed seddex ruux oo ka tirsan Qoyska  Cabdi Baaleey.

Kooxdii weerarka fulisay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxana socda howlgallo lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay, waxaana hadda lasoo sheegayaa in guddoomiye ku xigeenka aysan waxba soo gaarin.