Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Iyo Qorshe Socda

64

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga oo kasoo ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ee Caasimadda ayaa  yimid, iyada oo weli ay socdaan dadaalo isaga iyo Beesha Caalamka isla wadaan oo ku saabsanaa arrinta xal u helida is mari waaga ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa 2021.