27 ruux oo geeriyootay kadib dagaal culus oo ka dhacay…

28

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa qortay in Dagaal  dhaxmaray labada Qowmiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida lagu dilay 27 ruux,oo ah labada dhinac ee dagaalamay

Wararka ayaa tilmaamaya in Dagaalka labada Qowmiyiadood uu salka ku haya muran dhinaca xudduudaha oo muddo dheerba soo jiitamayay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinaca Ismaamul.

Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay dilkan Cali Bedel oo ah Afhayeenka ayaa wuxuu eedeyn dusha uga tuuray maleeshiyada ka soo jeeda deegaanka Canfarta ‘Maleeshiyada maxalliga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” ayuu u sheegay Reuters.

Tan iyo markii ra”iisal wasaare Abey Axmed uu xukunka qabatay sanadkii 2018kii Rabshado is daba-joog ah ayaa ruxay Itoobiya kuwaasi oo sababay dhig farabadan.