Qoor qoor oo soo gaaray Muqdisho

32

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Qoor Qoor iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaan heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdisho iyo shirarkii guddiyada farsamo ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16kii Febraayo 2021.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta la kulmay Danjiraha anjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Md. Yamamooto.