4 qof oo ku dhimatay qarax ka dhcay Muqdisho

70

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax miino oo barqannimadii Maanta lala eegtay gaari ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa ka dhacay agagaarka xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyadoona lala beegsaday gaari Qooqan oo ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaleey iyo Guddoomiyihii dhalinyarada deegaankaas.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Haashim Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 4 Qof, halka 6 ruux kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Madiina.