A/Madoobe oo furay Kalfdhiga 3-aadgola wakiilada Jubbaland + Sawirro

25

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta furay Kal-fadhiga sadexaad ee golaha wakiilada maamulkaasi, isaga oo khudbadiisa kaga hadlay dhinacyo kala duwan.

Ugu horrayn Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyay xaalada Jubbaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay markii dib loo doortay sababta uu ilaa hadda xukuumadda usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubbaland oo dhan ah taas oo illaa hadda guulo la taaban karo laga gaaray.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynahu sheegay in hada wixii ka dambeeya uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa himilooyinka shacabka iyo filashada ay ka qaban dowladooda.

Waxa kale oo uu intaas ku daray  in dhibaatada ka taagan gobolka Gedo ay tahay waxa illaa hadda uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa, islamarkana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan dowlada Federaalka balse illaa hadda ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin.

Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka degmada Afmadow, isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada degmooyinka gobolka Gedo.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in arrimaha doorashooyinka heer federaal laga gaaray heshiis rasmi ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo sal iyo tariikh lagu yaqaano ah dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo doorasho dalka u jigaysa wadada hormarka.

Ugu danbayntii wuxuu uga mahad celiyay golaha wakiilada shaqooyinka wax-tarka leh ee ay hayaan isagoo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu furan yahay kal-fadhiga saddexaad.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

121053019_1862600830547476_3612793555122730377_o
120851578_1862600413880851_8552600083233265438_o
120857150_1862600223880870_594438751821436555_o
120887997_1862600610547498_8003404898070785870_o
120889233_1862600407214185_7866976741547007125_o
120897764_1862600303880862_131132782971721264_o
120902420_1862600913880801_3559078748941436780_o
120903632_1862600487214177_166046423546094278_o
120934186_1862600447214181_9149151673902023093_o