Aabe Si Arxan Darro Gabadhiisa Ugu Dilay Degmo Ka Tirsan Koonfur Galbeed

56

Wararka aan ka heleyno degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in qeyb kamid ah degmadaas uu si arxan darro ah aabe ugu dilay Gabar la sheegay inuu isaga dhalay.

Dilka uu aabaha u geystay gabadhiisa oo 14-sanno jir aheyd ayaa ka dambeeyay, kadib markii gabadha isku dhaceen eedo aabaheyd qabay, waxaana eedada oo careysan aabaha ku dacweysay gabadhiisa.