Aabe wiilkiisa ku riday Webiga Shabelle oo lagu soo bandhigay Jowhar

109

Taliska Saldhigga Booliska Jowhar aya maanta soo bandhigay Aabe Habeen ka hor Wiilkiisa ku riday webiga Magaladaas, waxaana warbaahinta la hadlay Aabaha Wiilkiisa dilay isagoo ka war bixiyay qaabka uu dilka u gaystay iyo waxa ku qabsay.

Aabe Maxamed Dhaayoow Aadan ayaa sheegay in wiilkiisu uu ku noqday Caasi sidaa darteedna uu go’aansaday in uu dilo.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dhawr jeer uu dhibaato u gaystay dadka daris ah, isagoo sheegay in dhaqan xumo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu maaro uga waayay, islamarkaana uu isticmaali jiray maandooriyah, kadibna uu sidaas ugu tuuray webiga Shabelle.