Abaabulka banaanbaxyo xoog leh oo socda degmooyin ka tirsan G/Gedo

25

Wararka aan saakay ka heleyno gobolka Gedo waxay sheegayaan in halkaas uu ka socdo abaabulka banaanbaxyo looga soo hor jeedo dalabka Jubbaland ee ah in la hoos geeyo doorashada xildhibaanada lagu soo dooranayo Garbahaarey.

Weriyeyaasha ka howlgala gobolka Gedo ayaa xalay lagu war-geliyey in maanta uu dhowr degmo ka dhacayo banaanbax uu abaabulkiisa wado maamulka gobolka Gedo ee dowladda taabacsan.

Sida la qorsheeyey banaanbayada ayaa maanta ka dhacaya magaalooyinka Beled-Xaawo, Garbaharey, Buurdhuubo, Doolow, Luuq-Ganane, Baardheere iyo Bohol-Garas oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo.

Banaanbaxyada abaabulkooda la wado ayaa looga soo hor jeedaa in gobolka Gedo la hoos geeyo maamulka Jubbaland, waxayna xubnaha abaabulaya banaanbaxyadaas sheegeen inay ku muujinayaan rabitaankooda.