Abiy Axmed Oo Muddo Kadib Fagaaro Lagu Arkay

73

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreysay muddo maalmo ah lagu arkay goob fagaaro ah, kadib markii shaki la geliyay xaaladdiisa caafimaad.

Abiy ayaa ka soo muuqday xarunta qalabka dadka naafada ah ee cisbitaalka St. Paul ee caasimadda Addis Ababa, waxaana uu sheegay in xaruntaas ay hawl wanaagsan u hayso ciidamada ka dhaawacma Itoobiya iyo shacabka waddankaas.