Friday, June 25, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Abuukaate Caawa lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Abuukaate Caawa lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

15

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maqribnimadii Caawa gudaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Abuukaate ka tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad ayaa waxaa ay ku warramay in Abuukaataha ay toogteen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, xili uu ku sugnaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan, isagoo u geeriyooday xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka.

Abuukaataha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed, isla markaana waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo qaar kamid Ehelada Marxuumka oo meydka qaaday.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, waxsaana dilalkaas ay qeyb ka noqonayaa dilal horey uga dhacay Muqdisho.