Abwaan Cabdi kariin Shire Sandheere oo ku geeriyooday Muqdisho

29

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Abwaan Cabdi kariin Shire Sandheere oo ka mid ahaa golaha abwaaniinta soomaaliyeed sidoo kale kalena kamid ahaa hobolada qaranka ee waaberi.

Abwaanka ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafey uu la xanuunsanayey xanuunka macaanka,waxaana sidookale laga helay xanuunka covid 19 oo dad farabadan oo haldoor bulshada ka mid ah ay u geeriyoodeen

Allaha u naxariistee abwaan Cabdikariin Shire Sandheere ayaa waxaa uu sameeyay heeso iyo gabayo farabdan kuwaas oo ku saabsan guubaabada iyo nabadda.

Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye oo ah gudoomiyaha golaha abwaanada ayaa idaacad kulmiye u xaqiijiyey geerida ku timid abwaan Cabdikariin Shire Sandheere.

Allaha unaxarisitee abwaan Cabdikariin Shire Sandheere ayaa sameeyay heesta la magac baxdey qalalaaso dagaal iyo heeso kale oo caan baxey