SAWIRRO:Afar Arday oo ku dhimatay Qarax Minno oo la soo Bandhigay Sawirradooda

62

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha & tacliinta sare ee dowlad Goboledka  Galmudug ayaa tacsi u dirtay ehelada Carruurta waxaana ay sheegtay in ay bixin doonta wacyigalin ku saabsan ka hortagida waxyaabaha qarxa.

Wasaaradda ayaa faahfaahin ka bixisay carruur ku geeriyootay gumac madfac oo ku qarxay oo ay garaacayeen gobolka Galgaduud.

Wasaraadda waxbarashadda ayaa tilmaantay in Gumac madfac  ayay carruurtu kasoo hoos qaaden geed hoostiisa oo ku yaala magaalada Bangeelle ee gobolka galgaduud.

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha & tacliinta sare ee dowlad Goboledka  Galmudug ayaa shaacisay magacyadda ardaydii ku Geeriyootay Qaraxaasi Miinno

1- Cabdullaahi Shugri Maxamed Waxuu Dhiganayay Fasalka 6aad.

2- Axmed Wali Qorane Nuur Fasalka 4aad.

3- Sharmaake Cabdiqaadir Nuur Cabdille    Faslka 4aad.

4- Kaamil Daroor Maxamed Cali Fasalka 3aad.

Dhamaan Afartaasi caruurta ah ayaa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday qarax miinno oo ay iyagu garaceyn kaidbna ay ku qaraxday