Afar ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose

29

Ciidanka XDS ayaa Afar ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay nawaaxiga Baar-sanguuni oo ku dhow Magaalada Kismaayo, halka Saddex kalena ay ku dhaawaceen, ka dib markii ay ka war heleen duullaan gaadmo ah oo ay Argagixisadu qorsheynayeen in ay la beegsadaan fariisimada Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Shirwac Cumar Baaruush oo ka tirsan Saraakiisha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay ay cadowgu gaarsiiyeen jab xooggan kana furteen Saanad Ciidan.

Ciidanka xoogga Dalka ayuu sheegay in ay Dhulka miyiga ah kusii baacsanayaan firxadka Malleeshiyada , isagoo intaa ku daray in ay Ciidanku ku dhow yihiin Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose.