Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowladda Oo Ka Hadlay Qaraxii Muqdisho

10

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Qoraal uu soo saaray Afhayeen Sadiiq Doodishe ayaa waxaa uu ku sheegay in Qaraxii ka dhacay wadada 21 Octoober ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir lala eegtay gaarigiisa, xili uusan isaga la socon.

Waxaa uu sheegay Afhyeenka Ciidanka Booliska in gaarigiisa uusan waxyeelo kasoo gaarin qaraxaas, hayeeshee uu ku jiro khasaaro soo gaaray dad shacab ah iyo gaadiid goobta marayay xiligii uu qaraxu dhacaayay.

“Ilaahay mahadii cidna waxba kuma gaarin gaarigayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaareen, ilaahay ha u booga dhayo qofkii wax ku noqday.  Argagixisadu nama cabsi gelin karto, nafteena horay ayaan uqidmeeynta ummadda ugu hibaynay, ajashuna ilaahay ayeey gacantiisa ku jirtaa” ayuu yiri Afhayeen Sadiiq Aadan Doodishe.

Inta la xaqiijiyay qaraxii ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux oo Dumar ah, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Weli ma jiro cid sheegatay qaraxii ka dhacay Caasimadda, hayeeshee inta badan qaraxyadaas noocaan oo kale ah ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab oo horey u sheegtay qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.