Agaasimaha USAID oo balanqaaday Joogteynta taageerada KGS .

35

agaasimaha hay’adda USAID – US Agency for International Development ee Somalia Patrick Diskin oo ka hadlaayey shirka sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dowlada Koonfur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Beydhabo ayaa waxaa uu uga qeybgalay Aalada Zoob ayaa waxaa uu ka jeediyay Khudbad dheer oo uga hadlaayay dhinacyo badan wuxuu yiri “Iskaashigeenna ayaa waxaan ku horumarinaynaa ujeeddooyinkeenna guud iyadoo loo marayo ballaarinta helitaanka caddaaladda, fursado dhaqaale, iyo adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada.

Sidoo kale agaasimaha ayaa waxaa uu ku tilmaamay in Tani ay ka mid tahay taageerada kala-duwanaanta hab-nololeedyada; iyo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha kala duwan ee dhisi doona adkeysiga bulshada deegaanka si loo maalgaliyo gabdhaha iyo haweenka, kuwaas oo la tijaabiyay inay yihiin kuwa ugu adag ee ka hortaga dhibaatooyinka.

Wuxuu kale uu sheegay agaasimaha USAID in kor loo qaado awooda Gobolka iyo bulshada deegaanka si ay u qorsheeyaan ugana jawaabaan dhibaatooyinka ka imanayaan,” ayuu raaciyay hadalkiisa Agaasime Patrick.

Mr Patrick ayaa waaxaa uu yiri “Waxaan rajeynaynaa inaan sii wadno taageerida dadaalladaada si aad u dejisaan habab maamul oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay ee Degmooyinkiina”.

Ugu dambeyntii agaasimaha ayaa Waxaa uu sidoo kale u rajeyey in la sii xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo USAID iyo Koonfur Galbeed sanadka soo socda si ay uga sii wada shaqeyaan himilooyinka ay wadaagan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Agaasime Patrick.
Waxa uu si gaar ah ugu mahad fuliyay
Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen doorka uu ka qaatay arrintaani.