Agaasimaha W/ Caafimaadka Koonfur Galbeed Oo Booqday Isbitaalka Guud Ee Baraawe

149

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Hussein Mohamed Dahir oo shaley safar shaqo ku gaarey Caasimadda Koonfur Galbeed ee Degmada Baraawe.

Agaasimaha ayaa maanta wuxuu kormeeray Isbitaalka Guud ee Degmada Baraawe, isagoona warbixin ka dhageystey maamulka iyo qeybaha kala duwan ee shaqaalaha.

Inta uu ku guda jiray booqashada uu ku tagay isbitaalka guud ee Baraawe agaasimaha wasaarada caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa mid mid u booqday bukaanada jiifa isbitaalka guud ee Baraawe.

Dhaqaatiirta isbitaalk ayaa uga warbixiyay agasimaha sida ay ula tacaalaan bukaanada lasoo gaarsiiyo isbitaalka weyn ee Baraawe iyo qeybaha uu ka koobanyahay isbitaalka.

Ugu danbeyn agaasimaha wasaarada caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa balan qaaday in ay qeybo cusub ku kordhin doonaan isbitaalka weyn ee degmada Baraawe ee gobolka ShabeeladaHoose.