Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshisiinta #KGS ayaa ka qeeb qaadatay Kulanka Koowaad ee Guddiga Maamulka Machadka Dowladaha Hoose (First LGI Board Members’s Induction Workshop) iyo Istaariijiyadda 3-da sano ee Machadka Dowladaha Hoose oo qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Shirkaas wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana ka soo qeeb galay:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (JFS);
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (JFS);
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada;
Agaasimaha Qiimeynta iyo Dabagalka ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Machadka Muhiimadiisu wa Tayaynta iyo sare u qaadida Maamulka Dowladaha Hoose.