Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS oo Daah furay Tababar .

61

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta  Dowlad Goboleedka  Maamulak Koonfur Galbed Soomaaliya Mudane Mustaf Abdullahi Adaf ayaa maanta daah furey Tababarka Wajigiisa koowaad oo ku saabsan kordhinta ka qeybgalka Haweenka ee adeega Bulshada Habraaca go’aan qaadashada iyo dhismaha Dowladaha hoose

Tababarkaan ayaa  waxa  iska  kaashanayaan wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed iyo  hay’adda Moifar.

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta ayaa tababarkan ugu tala gashay in lagu kobciyo garaadka iyo maskaxda Haweenka Deegaanada Maamulak Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan Horumarada uu Maamulak Ku talaabsanayo  bilaha soo socda .

Tababarkan ayaa waxa casharo ka biixinayo qubaro ku taqasuusay cilmiga Bulshada  wxaana  ka qeyb galaya haweenka laga soo kala Xulay dhamaan hay’addaha Dowlada Koonfur Galbed Soomaaliya

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta  Dowlad Goboleedka  Maamulak Koonfur Galbed Soomaaliya Mudane Mustaf Abdullahi Adaf oo tababarkana hadalo ka jeediyay ayaa waxa uu Tilmaamay in kan wasaraad ahaan ay u taagna yihiin siidi Haweenka loo Gaacan siin lahaa isla markana ay ka faaideystaan casharada ay halkaan ka  bartaan in ay gaarsiiyaan bulshada Ku dhaqan Koonfur Galbed

Inta uu socdo tababarkan ayaa waxaa  ka faaideysan doono haween badan waxana la bari doonaa kordhinta ka qeybgalka Haweenka ee adeega Bulshada Habraaca go’aan qaadashada iyo dhismaha Dowladaha hoose

Ma ahan markii ugu horeysay oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta  Dowlad Goboleedka  Maamulak Koonfur Galbed Soomaaliya ay soo qaban qabaiso tababar nuucaan oo kale ah .