Agaasime Ka Tirsan Wasaaradda Wafaafinta Oo Lagu Dilay Qarax Lagu Weeraray Hotel Elite

65

Agaasimihii xiriirka gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid noqday dadka ku dhintay Qaraxa ka dhacay Hoteellada Elite oo ku yaalla xeebta Liido.

Agaasimaha ayaa ka mid ah dadka ku sugnaa Hoteelka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Shaqaalle dowladeed, Ciidan, dad rayid ah.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha rasmiga ah laakiin goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay dhaawacyo iyo dhimasho badan la geeyay Isbitaallada Muqdisho.