Thursday, September 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Agaasimihii Guud ee Telefishinka Qaranka Tunisia oo xilkii laga qaaday

Agaasimihii Guud ee Telefishinka Qaranka Tunisia oo xilkii laga qaaday

22

Madaxtooyada dalkaasi waxay ku dhawaaqday in Xilkii laga qaaday Madixii Telefishinka dalkasi, Maxamed Lasacad Al-Daahish.

Xil-ka-qaadista ayaa timid, kadib, markii 2 qof oo Marti u ahaaa Telefishinkaasi shalay loo diiday inay gudaha u galaan Istuudiyayasha si ay qeyb uga qaataan Barnaamij lagu marti-qaaday.

Labada qof ee loo diiday inay galaan Xarunta TV-ga ayaa kala ahaa Amiira Maxamed oo ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee dalkaasi ee SNJT iyo Basaam Tirifi oo ah U-ololeeye dhanka Xuquuqda Aadanaha.

Amarka dadkaasi looga xayiray inay galaan Xarunta Telefishinka Qaranka Tunisia ayaa la sheegay inuu bixiyey Sarkaal ka tirsan Milliteriga ilaalada ka haya Xaruntaasi.