Akhriso Dhacdo Xanuun Badan oo ka dhacay Muqdisho

31

Wararka naga soo garaya  Xaafada Macalin Nuur oo ka tirsan degmada wadajir waxaa ka taagan arrin welwel ku beertay Waalidiinta  Soomaaliyeed ee halkaas degan

Arrintaan ayaa ah  kadib markii xalay guri ku yaalla xaafadaasi ay u dhaceen rag hubaysan kuwaas marka laga soo tago Mobile-lo & Lacag  oo ay ka qaateen guriga

sidoo kale  raggan Burcadka ah ayaa afduubtay wiil yar oo labo sano jir ahaa  kaas oo ilaa Iyo hadda reerkiisu la’yihiin.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayn in Sheekadu hadda waa ka soo taktay in jidka laga afduubto carruurta oo waxay maraysaa in guriga oo la hurdo xilli Habeen ah inta loo dhaco la qaato carruurta.

Maamulka degmada iyo kan saldhiga weli kama aysan hadlain arrintani waxana ay wel wel ku abuurtay shacabka halkaasi ku dhaqan.