Akhriso Magacyada Dadka Ku Dhintay Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Liido

148

Ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen ka dib markii Qarax iyo weerar toos ah lagu qaaday Hoteelka lagu Magacaabo Elite oo ku yaalla Xeebta Liido.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isku jira dad Shacab ah, Saraakiil Ciidan iyo Shaqaalle dowladeed.

Ciidanka Ammaanka ayaa sidoo kale soo badbaadiyay dad badan oo ay ku jiraan la taliyaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah  Cabdirisaaq Cabdi, Agaasimihii Xiriirka Warbaahinta Maamul goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washinton,  Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan howl wadeennada TV ga Qaranka iyo Fanaanad Faaisa beella.