Qaar kamid ah Ciyaartoyda ka socotay Maamulka Koonfur Galbeed ee ka qeyb galayay tartanka Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa la dhaawacay.
Waa wax laga xumaado in la bartilmaameedsado ciyaartoyda, masuuliyiinta,macalimiinta iyo qaar kamid ah taageerayaasha KGS.
Ilaa lix Ciyaaryahan oo ka tirsan xulka Koonfur Galbeed ayaa la dhaawacay, kadib markii Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dhagxaan lagu weeraray,
Hoos Ka Akhriso Magacyada lixda Ciyaaryahan iyo meelaha laga dhaawacay.
Cabdikariim Absa – Dhaawac Madaxa.
Maxamed Wadani – Dhaawac Garabka.
Maxamuudey ibraahim – Dhaawac isha
Xabiib Ibraahim – Dhaawac Gacanta.
Kubada cagta waa nabad iyo isdhexgal bulsho.