Akhriso: Somaliland Oo Shaacisay Inay Hakisay Shaqooyinkii Hay’adda Un-Ka Ka Hayeen Degaanadeeda

34

Xukuumada Maamulka Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaanadeeda.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland, ayaa ku shaacisay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay  QM  iyo Somaliland.

Qoraalkan ka soo baxay  Somaliland  ayaa lagu sheegay  in  25-ka bisha Octobar uu go’aankaan si rasmi ah uga dhaqan galay Somaliland,

Somaliland ma sheegin sababta ay go’aankaan u qaadatay iyo waxa ku riixay in xiligaan ay shaqada uga joojiso QM  xafiiskeeda Magaalada Hargeysa .

Isbuuc ka hor ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay heshiis cusub ah la saxiixatay dowladda federalka Soomaaliya, heshiiskaas oo baddali doona heshiiskii hore oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan 2020.