Akhriso:-War-muriyeedka laga soo saaray shirkii Wadatashiga Qaran

18

Waxaa war-murtiyeed laga soo saaray Shirka Wadatashiga qaran ee Maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni, halkaasi oo ay ku shirsanayeen Ra’iisul Warasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaaadir.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed Dhinacyo badan taaabanaya, waxaana Madaxdu ay isku raaceen Qodobbo ay ka mid yihiin.

In maamulka degmada Garbahaarey soo dhiso Maamulka Jubbaland kana howlgalaan guddigii doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana amniga sugaya AMISOM boolis ah.

In la badalo xubnaha guddiga doorashooyinka ee dooda dhaliyay, iyadoo kadib dhaxdooda iska dooran doona guddoomiye iyo ku xigeen.

In Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo kuwa kalaba ku milmin siyaasadda dalka. Guddiga amniga doorashada waxey la tashanayaan madaxda maamulada iyo RW Rooble.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka