Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Heritage Ee Garoowe

24

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Madasha Arragti Wadaaga oo soo qaban qaabiyay Machadka Cilmi baarista ee Heritage,

Shirka oo saddex maalmood ka socday Garoowe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, iyadoo cinwaanka Madashan uu ahaa Sidee Soomaaliya uga bixi kartaa Kumeel gaarnimada daba dheeraatay sanadka 2025, si loo helo dastuur dhameystiran, nidaam Federaal shaqeynaya, doorasho qof iyo cod iyo qodobo kale.

War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga soo saaray Shirka Madasha Arragti Wadaaga ee Machadka Cilmi baarista ee Heritage, isla markaan ay isku raaceen Madaxdii ka qeyb gashay inta uu socday Shirkaas.

Madasha Arragti Wadaaga ayaa boggaadiyay dadaalka ay ka sameeyeen  Wasaaradda dastuurka dalka, Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga ku howlsan dham,eystirka Dasuurka, waxaana Madaxda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay ugu baaqdeen inay isku xitiraamaran awoodaha uu kala xadeeyay Dastuuurka dalka