Akhriso: Wararkii ugu dambeeyey dagaalladii ka dhacay gobolka Mudug

21

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaallo is xig-xigay oo maanta saddex jeer ka dhacay deegaanka Shabeelow oo dhowr iyo labaatan KM u jira magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug kaas oo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka deegaanka dagaalka uu kasoo gaaray dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale Al-Shabaab la gaarsiiyay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

“Dagaalka ayaa saakay dhacay, wuu istaagay, marka ayaa barqonimadii dhacay, muddo kadib wuu joogsaday, balse Duhurnimadii maanta ayuu dib u bilawday dagaalka Xooggiisa oo sababay khasaaraha labada dhinac kala gaaray, dadka deegaanka waa ay barakaceen” ayuu yiri qofkaasi ka mid ah dadka deegaanka.

Xaalada ayaa caawa kacsan, waxaana socda abaabullo xoogan oo ay wadaan labada dhinac, walow ay deegaanka ay gacana ku hayaan maleeshiyaadkii la dagaalamay kooxda Al-Shabaab.