Akhriso:Degmada Baraawe oo yeelatay Xoghaye Cusub.

53

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mohamed Abukar Abdi ayaa Xoghayaha cusub ee degmada Baraawe waxa loogu magacaabey mudane Hamza Cali Siidow

Wareegtadan ayaa waxaa lagu sheegay kadib markuu  arkay wasiirka baahida loo qabo in degmada ay yeelato Xoghaye  Cusub oo wax ka qabtay adeegyadda bulshada ay u baahan yihiin

Kadib markuu arkay soo jeedinta Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah

Kadib markuu arkay  sharciga dowladaha Hoose  lambarkiisa  10aad ee dastuurka dowlad  Goboledka KGS  ee u ogolaanayo in uu soo magacaabo Xoghaya Degmada

Ugu dambeyntii markuu arkay aqoonta firfirconida shaqo waxa uu go’aansaday in uu xilkaan u magacaabo Xoghayaha cusub ee degmada Baraawe Mudane Hamza Cali Siidow

Xoghayaan cusub ayaa waxa looga fadhiyaa in uu wax badan ka qabto arrimaha degmada.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAREEGTADA