Akhriso:Maxa Keenay in Xildhibaan Aadan Xeefoow laga saaray Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

29

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta ka dambeysa in Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle maanta laga reebay munaasabadii dhaarinta  Baarlamaanka cusub oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Wararka laga helayo Jowhar ayaa  waxaa ay sheegayaan in Aadan Xeefoow loo diiday in uu gudaha u galo Hoolka ay ka dhaceysay munaasabada dhaarinta  iyadoo kursigiisa loo dhaariyay shaqsi kale oo magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan oo ay isku jifo yihiin,.

Lama oga sababta keentay isbadalka degdeg ah iyadoo xildhibaan Xeefoow uu ka mid ahaa xildhibaannadii uu soo gudbiyay Ugaaska beesha Gaaljecel  Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed oo ka mid ahaa duubabkii dhaqanka ee u taggay Jowhar in ay wax ka soo xulaan xildhibaannada 2aad ee Barlamanka Maamulka Hirshabelle .

Dhsimaha Barlamanka Cusub ee Hirshabelle  ayaa waxaa ka imanaya cabasho la xiriirta musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyay soo xulintaanka Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle, iyadoo laga taggay shaqsiyaadkii ay duubabka dhaqanka beelaha qaarkood u soo xusheen oo lagu badalay xubno kale.

Aadan Xeefoow ayaa horay u soo noqday guddoomiyaha degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dad badan ayaa waxa ay isweydiinayan sababta xiligaan keentya in laga tago Xubno loo soo magacabay in ay noqdaan Xildhibaano in laga taggo.