Al-Shabaab oo burburiyay Xarun Shirkad Isgaarsiineed.

27

Xubno la sheegay ina ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay burburiyeen xarun Isgaarsiineed oo Shirkadda Safaricom ku lahayd duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaar kamid ah Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta safaricom ee tuulada Elele oo u dhow deegaanka Wargaduud ee koonfurta Mandheera.

Saraakiil Ciidan ayaa dhankooda sheegay in Shaqaalaha shirkadda wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarka ay geysteen Al-Shabaab, isla markaana ay yihiin kuwo badqaba.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerareen Xarumo shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ay ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, iyaga oo burburiyay, waxaana dhanka kale jirtay in ciidanka Kenya ay iyana burburiyeen Xarumo degaannada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay ku leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta hormuud & Somtel.