Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogtay Nin Dil Ka Geystay G/Baay

29

Gelinkii dambe ee shalay Al-shabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla deegaanka Buula-fuulaay ee Gobolka Baay waxaa ay ku toogteen Nin lagu eedeeyay inuu horey qof shacab ah dil ugu geystay deegaankaas.

Nuur Isxaaq Aadan ayaa Al-shabaab waxaa ay ku fuliyeen xukun dil toogasho ah, waxaana goobta toogashada ka dhaceysay ku sugnaa dadweyne farabadan oo shabaabka isugu geeyeen goobta.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay in Nuur Isxaaq uu si bareer ah u dilay Nin lagu magacaabi jiray Caddoow Naxariis Aadan oo kamid ahaa dadka deegaanka Buula-fuulaay ee Gobolka Baay, sidaasina lagu toogtay.

Toogashada dilka ah oo ay fulisay Al-shabaab ayaa waxaa uu kusoo aadeysa, iyagoo shalay laba Nin iyo gabar ku fuliyay xukun karbaash ah iyo mid gacan goyn ah, waxaana xukunkaas uu ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Al-shabaab ayaa dhowr mar sidaan oo kale deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka uga fuliyay xukuno kala duwan oo isugu jiray dil toogasho, karbaash iyo gacan goyn, waxaana xukunadaas ku fulisay dad kala duwan oo lasoo eedeeyay.