Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ku Toogtay Nin Lagu Eedeeyay Inuu Fara Xumeeyay Canug Yar

13

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay goob fagaare ah oo ku taalla deegaanka Booco ee Bariga Gobolka Hiiraan ku toogtay Nin lagu eedeeyay inuu fal fara xumeeyn ku sameeyay Canug yar oo kamid ah dadka degaanka.

Al-shabaab ayaa goobta uu xukunka ku dhacaayay isugu geeyay boqolaal dadweyne ah, si ay u daawayaan xukunkaas dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyay Ninka lagu eedeeyay inuu sameeyay falka fara xumeeynta ahaa.

Magaca Ninka dilka lagu fuliyay ayaa lagu sheegay Cabdi Shakuur Muxumed Axmed, kaasi oo Maxkamadda Al-shabaab ku xukun ku riday, laguna fulisay shalay, isla markaana waxaa lagu toogtay fagaare ku yaalla deegaanka Booco ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay xukuno isugu jiray dilal iyo gacan goyn ugu fulisay rag lagu soo eedeeyay inay geysteen dembiyo kala duwan oo ay ku jira fal sino ah iyo Arrimo kale oo Basaasnimo ah.