Al-Shabaab Oo ka hadashay Qaraxii Is-Miidaaminta Ahaa Ee maanta kadhacy Lafoole

21

Qarax is-miidaamin ah ayaa barqii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka oo Ilaalo ka haayay Injineero dhisayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad walxaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu la beegsaday goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

  1. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qofka inta uusan is qarxin kahor ay rasaas badan ku fureen Ciidanka Haramcad oo goobta ku sugnaa, uun markii ninkaas ku soo dhawaaqay uu ku qarxay Ciidamo saarnaa gaari Cabdi Bile ah.