Al-shabaab Oo Ka Hadlay Dilka Wasiirkii Beeraha Hirshabelle

27

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii hore Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay ku dileen Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Cabduqaadir Abuukar Muxumed.

Dilkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Guriga Marxuumka oo ku yaalla xaafadda hanti-waag ee Magaalada Jowhar, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Qoraal kooban oo lagu daabacay baraha dhinaca Internet-ka ee Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada dilka loo geystay Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hirshabeelle.

Marxuum Cabduqaadir Abuukar ayaa waxaa xilka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka loo Magacaabay 11-ka bishaan Ogoosto, waxaana xilkaas u dhiibay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Magaalad Jowhar iyo deegaano kale ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagu dilay Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana falalkaas sheegtay Al-shabaab.