Al-Shabaab oo khasaare culus lagu gaarsiiyey dagaal ka dhacay Daaru-Samaan

23

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha galeen deegaanka Daaru-Salaam, xilli uu shir uga socday halkaasi saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

 Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada Danab oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay dileen illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay ku sugan yihiin gudaha Daaru-Salaam, islamarkaana ay saaareen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya, xilli ay maanta ciidamada dowladda la wareegeen deegaanada kala ah Mubaarak, Aybutey iyo Buulo-Sheekh oo ka tirsan Sh/Hoose.