Al-Shabaab Oo La Wareegay Degaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

28

Dagalamayaasha Al-shabaab ayaa  dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, wararka inaga soo gaaray degaanka Ceeldheere oo 30km u jira Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degaankaasi.

Dagaalka oo xalay  saqdii dhexe dhacay ayaa waxaa soo qaaday Al-shabaab, waxaana ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka, iyadoo dadka degaanka ay soo sheegayaan khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac ee xalay dagaalamay