Al-Shabaab oo laba ruux ku toogtay gobolka Hiiraan

63

Wararka ka imaanaya deegaanka Buq Aqalba ee Gobolka Hiiraan ayaa toogasho lagu fuliyay labo ruux oo ay kooxda Al-Shabaab ku eedeysay inay yihiin basaasiin.

Maxkamadda ay leedahay kooxdaas ayaa raggan ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii ay sheegtay inay qirteen inay u basaasayeen Sirdoonada Soomaaliya iyo AMISOM, inkastoo aanay raggaas helin wax qareen oo difaaca.

Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sano jir ayaa gacanta lagu soo dhigay, isagoo la shaqeynayay ciidamada AMISOM ee ku sugan Jalalaqsi sida ay sheegeen Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen Axmed in muddo laba jeer ah cafis loo fidiyay, balse mar kale uu dib ugu laabtay la shaqeynta ciidamada AMISOM waxaana lagasoo qabtay tuulada Buurdheere ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa shalay xukun dil ah ku fuliyay.

Eedaysanaha labaad ee shalay lagu dilay deegaanka Buq Aqable oo lagu magacaabo jiray Cabaas Maxamed Cismaan ayay Shabaab u sheegeen in uu la shaqeyn jiray qeybta sirdoonka ee magaalada Beledweyne, waxaana laga soo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo dowladaha reer Galbeedka.