Al-Shabaab Oo Saaka Oo La Wareegay Degmo Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

54

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ku leeyihiin Raagga-ceelle, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalka kadib Al-shabaab ay u suura-gashay inay la wareegaan gacan ku heynta degmada, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.