Monday, July 26, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Al-shabaab oo shaacisay Tiro Askar ay ku dileen Weerarkii ka dhacay Wisil

Al-shabaab oo shaacisay Tiro Askar ay ku dileen Weerarkii ka dhacay Wisil

13

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug, dadka deegaanka oo is abaabulay iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu waaberigii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Wisil ee waqooyiga Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin Wisil, isla markaana waxaa xigay dagaal toos ah oo deegaanka iyo duleedkiisa ka dhacay.

Inta uu socday dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, sida ay sheegeen dadka degaanka qaarkood oo intaas kusii daray in Wisil laga barakacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo weriyey inuu ka dhacay dagaalka iyo weerarkii qaraxa ku bilowday, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Al-shabaab warar ay barahooda Internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin Wisil ay ku dileen 34 Askari, halka dhaawacyo ay jiraan.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas waxaa ay kusii dareen in dagaalka ay ku qabsadeen gaadiid farabadan iyo saanado hub ah oo yiilay Saldhiga, iyagoona xusay in Ciidankii halkaas ku sugnaa ay aadeen dhanka Magaalada Gaalkacyo.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan weerarkii iyo dagaalka saakay waaberigii hore ka dhacay deegaanka Wisil waqooyiga Gobolka Mudug.