Al-Shabaab oo sheegtay Qaraxii Khasaaraha Geystay Ee Sh/Hoose

164

Al-shabaab ayaa  sheegtay Mas’uuliyada qaraxii saaka lala eegtay gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose iyo taliyaha Ciidanka Danab iyagoona sheegay in Afar oo ka tirsan Ciidanka dowladda ay ku dileen qaraxa, kuwaasi oo saarnaa gaari Tikniko ah, halka Ciidamo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhaawcyada Saraakiisha oo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu yahay Taliyaha Ciidanka DANAB ayaa waxaa diyaarad nooca helicopter-ka ah looga soo daad-gureeyay goobta, waxaana lagu geeyay degmada Afgooye.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan weerarkii Mas’uuliyiinta lagula beegsaday Tixsiile ee kusii jeeday Wanla-weyn oo maalmihii lasoo dhaafay xiisad colaadeed ka jirtay.