Al-Shabaab oo war ka soo saaray qaraxii lala beegsaday Col. Cumar C/Raxmaan iyo askar kale

32

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu bartilmaameedsaday gaadiid uu la socday G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar.

G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan iyo seddax ka mid ahaa ilaaladiisa ayaa lagu dhaawacay qaraxa, halka ugu yaraan askari kalena uu ku dhintay, sida naloo xaqiijiyey, waxaana qaraxaas loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas, sida ay baahisay warbaahinta taageerta.

Dhanka kale hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay toon