Thursday, September 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Al-Shabaab oo War kasoo saartay Weerar ay saaka kula wareegtay Camaara

Al-Shabaab oo War kasoo saartay Weerar ay saaka kula wareegtay Camaara

24

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu arroornimadii hore ee saakay uu ka dhacay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa markii hore ka bilowday, kadib markii Al-shabaab weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku qaadeen Saldhig Ciidamada huwanta ku leeyihiin gudaha Camaara, sidaasina uu ku dhacay dagaal muddo ku dhow saacad socday .

Al-shabaab ayaa weerarka iyo dagaalka kadib u suura-gashay inay la wareegaan gacanta ku heynta Magaalada Camaara, waxaana la sheegay in halkaas ay isaga baxeen Ciidankii dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ku sugnaa degaanka.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen 14 gaari oo 12 kamida ah yihiin Tikniko, halka 2-da kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, kuwaasi oo yaalla gudaha Saldhiga weerarka lagu qaaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid Al-shabaab ee lagu qaaday Saldhig Ciidamada huwanta ay ku leeyiin Camaara, ayna khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka, waa sida hadalka loo dhigay.

Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah ay joogeen Al-sbabaab, waxaana howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmooyin ay ku jirto Bacaadweyn, magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah.